Koob ku siinta cuntada ilmaha hadda dhashay

Haddii ilmahaagu u baahdo in caanaha aad naasaha ka listay ama caanaha beddela caanaha naasaha aad ku siinayso koob talooyinkan ayaa ku caawinaya.

Koob ku quudin

  • U fariisi ilmaha si toosan kadibna u qabo si xasiloon.
  • Ku taageer gacantaada hoosteeda barkimo.
  • Ku taageer qoorta iyo madaxa ilmaha gacantaada.
  • Gacmaha ilmuhu si caadiya ayey u laaban yihiin.
  • Haddii gacmaha ilmuhu ay ku kala baxsan yihiin dhinacyada waxa ku adkaanaysa inuu cuntada ka ficil-celiyo.
  • Haddii gacmaha ilmuhu ayey dhaqdhaqaaqayaan oo uu tuurtuurayo oo ay koobka ku dhacayaan marka aad cuntada siinayso, waxaad si fudud ilmaha ugu duubtaa buste kadibna gacmihii ayaa booskoodii caadiga ahaa ku noqonaya.
  • Waa inay heerkulka caanuhu leeyihiin heerkulka jirka oo kale biyo kulul ayaa koob ku dhexridaysaa.
  • Uqado koobka si fudud adiga oo ku aadinaya bishinta/dibinta hoose ee ilmaha kadibna foorori koobka si ay caanuhu geeska ugu dhacaan. Ilmuhu wuxuu dareemayaa udkoonka caanaha kadibna carrabka ayuu soo saarayaa oo caanihii ayuu dharqanayaa.
  • Marmarka qaarkood nasasho ayuu qaataa ilmuhu, laakiin fadlan kuhay adigu caanaha bishinta hoose si uu ilmuhu u siiwato markuu diyaar noqdo.
  • Markuu ilmuhu dharqado ee uu liqo caanuhu jirka ayey galaan. Ka qaad koobka markaa bishinta hoose si ay caanuhu uga baxaa afka.
  • Waa muhiim in aad ka fikirto in aanad ku shubin uun caanaha afka ilmaha. Ilmuhu wuxuu u baahan yahay inuu caanaha si aktifnimo leh ugu dharqado carrabka inta uu karo.
  • Sidoo kale iska ilaali in aad cadaadiso daanka hoose ee ilmaha waxay keenikartaa inay ku adkaato inuu ilmuhu caanaha dharqado oo uu liqo.
  • Haddii aanu ilmuhu xiisaynayn inuu dharqado caanaha waxa lagu cawinkartaa in aad ku soo jiidato adiga oo koobka si fudud ugu qabta bishinta/dibinta sare kadibna aad ku dhibciso caanaha carrabka ilmaha si uu ilmuhu u dareemo dhadhanka caanaha. Carrabka ayuu ilmuhu soo saarayaa kadibna wuxuu bilaabayaa inuu caanaha dharqado.
  • Haddii uu ilmuhu qayliyo, iskuday in aad marka hore dejiso inta aanad markale ku celin.
  • Markaad cuntada siiso kadib wuxuu ilmuhu u baahnaan karaa wakhti dheeraad in lagu qabto dhabta, fadlan ha toosnaado ilmuhu.
  • Carruuraha qaarkood ayaa jecel marka koobka caanaha lagu siiyo inay naaska nuugaa. Iskuday in aad naaska siiso laakiin haddii aanu ilmuhu fursad u hayn inuu naaska nuugo ka caawi ilmaha inuu nuugo gacantiisa ama laabatada fartiisa.
  • Caanaha soo haray lama dhigayo.