Hubinta booska tuumbada

  • Kaantarool meesha calaamada ee muujinaya inta ay tuumbadu guddaha u geleyso waxay ka muuqataa dacalka sanka ilmaha
  • Kaantarool inay tuumbadu si fiican ugu dheggen tahay dhabanka ilmaha
  • Si tartiib ah u soo jiid siliijka (spruta) ilaa iyo inta ay caloosha ka imanayso dareere yar (dheecaan) ilaa ay gaarto (qiyaastii 0,5-1) milliliter)

Haddii dhibaato ka timaado marka kaantarool lagu samaynayo booska tuumbada

Marmarka qaarkood waxa dhacda in aanay caloosha ka soo bixin wax dareere ama dheecaan ahi. Dhowr wax ayaa sabab u noqonkara. Tusaale inay calooshu marantahay ama ilmaha ayaa u jiifa hab aanay tuumbada u suurtogeleyn inay caloosha ka soo qaato dareere ama dheecaan. Marmarka qaarkood tuumbada ayaa ku aadan derbiga caloosha marka kaantaroolka la samaynayo. Marmar tuumbada ayaa kor uga soo baxday caloosha oo taala meel ka saraysa caloosha, sidaa daraadeed waxa jirikarta khatar ah in marka ilmaha cuntada la siinayo ay cuntadii istaagto hunguriga hawada.

Weligaa ilmaha cunto ha siinin haddii aanad hubin booska tuumbada. La xiriir shaqaalaha si ay kaaga caawinyaan sidii aad u hubsan lahayd booska tuumbada.