Naas-nuujin

Inuu ilmuhu si fiican u qabsado naaska marka uu nuugayo waxay ka hortegeysaa xanuunka, ibta naasaha oo nabaro yeesha iyo ilmaha oo ay caanuhu ku istaagaan. Sidoo kale marka uu ilmuhu si fiican naaska u qabsadayo si wanaagsan ayuu naaska u faaruqinayaa kadibna waxa kordhaya samayska caanaha. Hab falkan la sameeyo ee soo socdaa wuxuu naas-nuujinta ka dhigaysaa mid raaxo iyo waxtarba u leh ilmaha iyo hooyadaba

Qabashada ballaaran ee naaska

Talo iyo tusaaloyin waxtar leh oo ku saabsan naas-nuujinta

  • Ku dheji ilmaha jirkaaga kadibna adigu dib isu eeg.
  • U qabo ilmaha si ay ibta naasahaagu ugu aadaan sanka ilmaha. Ilmuhu madaxiisa dib ha u celiyo. Ka fikir waa inuu garkaagu xabadkaa/laabta ku dhejisnaadaa sankuna firaaqo yahay.
  • Sug ilmaha intuu afka si fiican u kala qaadayo. Markaa ilmaha inkale ayaad ku soo dhoweynaysaa naaska kadib ilmaha ayaa naaska inweyn "qabsanaya", ma aha ibta naaska oo keliya. Haku cadaadin madaxa ilmaha naaska.
  • Marka ay ibta naasku gaarto xagga ugu dambaysa ee dhanxaragga wuxuu naaska ka ilaalinayaa in aanu jeex-jeexmin, inuu qabto iyo inuu nabaryeeshoba. Ilmaha carrabkiisu wuxuu yaalaa safka hoose ilkaha iyo dibinta hoose. Carrabka ayuu ilmuhu ku cadaadinayaa si ay caanuhu u soo baxaan. Nuugitaanka hore xanuun ayuu qofku dareemayaa laakiin wakhti yar kadib wuu ku siidaynayaa kadibna wuxuu qofku dareemayaa inuu maaraynkaro.