Cunto ku siinta masaasada ilmaha hadda dhashay

Marmar waxa jirta sabab caanaha loogu siiyo ilmaha dhalada. Tusaale haddii marmar ilmaha nuujinayso ama aanad doonayn/aanad awoodin ama aanu ilmuhu doonayn inuu naaska nuugo sababo awgeed. Xiriirka jirka ayaa ah mid muhiim u ah adiga iyo ilmahaba siday doontaba cuntada haloo siiyee.

 

Masaasad ku quudin

Halkan waxaad ka heleysaa tallooyiniyo tibaaxyo sida aad samaynayso

  • Marka masaasada cuntada lagu siinayo waxa fiican inuu ilmuhu nus fadhiyo oo uu ku fariisto dhabtaada kadibna aad ilmaha madaxa iyo qoorta gacantaada ku soo taageerto.
  • Isku soo jeedi ilmaha si ay ilmaha indhihiisa iyo kuwaagu isu-qabtaan.
  • Dhig barin gacantaada hoosteeda haddii aad u baahato.
  • Beddel dhinaca, sida markaad naaska nuujinayso oo kale.
  • Isku soo dhowee ilmaha, haddii ay suurtogal tahay si aad ilmaha maqaarka isku saartaan, si uu ilmuhu u dareemo ammaan.
  • Ku rid masaasada biyo kulul si ay caanuhu u yeeshaan heerkulka jirka.
  • Ilmuhu keligiis afka ha u kala qaado mujuruca.
  • Hay masaasada hana ku khasbin ilmaha haddii aanu doonayn inuu wax cuno markuu ilmuhu rabo nasasho.
  • Carruuraha qaarkood ayaa dhowr goor daaca inta cuntada la siinayo halka aanay qaarkale u baahnayn.
  • Ka fikir waa inay masaasadu kor u jeedo si ay marwalba caano ugu jiraan mujuruca
  • Cunta siintu wakhti ha qaadato. Ilmahaaga ayaa go'aaminaya dhakhsaha uu wax ku cunayo.
  • Haka tegin ilmaha oo keligiisa oo haysta masaasada.
  • Waa muhiim inuu ilmuhu xiriir kula sameeyo adiga marka uu wax cunayo, waxa jirta khatar inay ilmaha cuntadu cunaha ka fariisankarto.
  • Marka cuntada la siiyo kadib waxa dhicikarta inuu ilmuhu u baahan yahay wakhti dheeraada in lagu hayo dhabta, waa inuu toosnaado. Marmarka qaarkood waxa dhicikarta inuu suulka ama mujurucu ku caawiyo.
  • Caanaha soo haray lam dhigayo.