Hababka naas-nuujinta

Waa arrin ku xiran rabitaanka iyo baahida labadiinaba adiga iyo ilmaha sidaa awgeed way fiican tahay in aad ilmaha naaska ku nuujiso siyaabo kala duwan. Hababka naas-nuujinta caadiga ahi waa: fadhiga, qofka oo kadalooba/nus-fadhi (meel ku tuursan) ama jiifa, waa muhiim inuu qofku dareemayo dabacsanaan. Tijaabi sida adiga kugu haboon si aad u oggaato sida kuugu fiican adiga iyo ilmahaagaba.

Naan-nuujinta fadhiga

Naas-nuujinta fadhiga

  • Fariiso fadlan adiga oo istoosinaya
  • Si dabacsan ugu fariiso kursi/korsiga fadhiga yaal ee yar/kursiga dheer ee fadhiga oo leh wax dhabarka kaa soo taageeraya, waa in aanu sare u qaadnayn oo aad cagaha dhulka dhigikartid
  • Haddii aad caawimo dheeraada ugu baahato dhabarka: markaa kushimo dhabarka iska dhig si aad toos ugu fariisato.

 

Naas-nuujinta meel ku tiirsanaanta

Naas-nuujinta fadhiga nuska (naas-nuujinta meel ku tiirsanaanta)

  • Habkan naas-nuujinta ayaa noqonkara marka hore mid faa'iido leh, maxaa yeelay si fiican ayuu ilmuhu jirkaagu ugu soo dhowaanayaa. Haddii aad u jiiftaan maqaar ilaa maqaar waxa markaa sii badanaya dabeecadihii kicinta naas-nuujinta
  • Haddii aad dib u fadhido waxaad madaxa ilmaha dhigikartaa labadaada naasood dhexdood ama hal naas
  • U daa ilmuhu isagu ha raadiyo naaska
  • Faa'iidada ay leedahay tani waa waxaad isticmaalaysaa sharciga culayska maxaa yeelay ilmuhu aad ayuu adiga kuugu dhow yahay markaa uma baahnid in aad ilmaha wax badan xakamayso
  • Haddii ay naasuhu u dhacaan dhinacyada waxaad u baahan tahay in aad naasaha caawiso si ay toos u noqdaan/hore si uu ilmuhu si fudud ugu qabsankaro
  • Waa inay hawadu ilmaha u furan tahay/neefsankaro

Naas-nuujinta jiifka

  • Dhig hal ama laba barkimo madaxa hoostiisa
  • U jiifso dhinaca aad ilmaha naaska u siinayso
  • Soo riix gacanta dhinaca aad naaska ka nuujinayso waxyar, si uu udhismo "godyar" oo u dhexeeya gacanta iyo jirka
  • Dib u celi caloosha iyo dabadaada si uu ilmuhu boos u leho adiguna aad si fiican ugu jiifsato
  • Hubso inuu ilmaha jirkiisu jiifo oo uu adiga kugu soo jeedo ibta naaskuna ku aadan tahay sanka ilmaha si uu afka aad u kala qaado oo uu u qabsado. Madaxa ilmuhu waa inuu jiifo, ee aanu ku jiifin gacanta hooyada
  • Si uu ilmuhu aad kuugu soo dhowaado waxaad isku daydaa in aad ilmaha dhigto gacanta iyo naaskaaga hoostiisa