Nuugida mujuraca carruurta hadda dhasha

Nuugida mujurucu waa aalad wax caawinaya oo ku meelgaar ah inuu ilmuhu nuugo kaas oo fududaynaya naas-nuujinta xanuunka leh, markay ibta naasuhu nabarka leeyihiin ama marka ay ilmaha ku adag tahay inuu ibta naasaha qabsado afar iyo labaatan saacadood kadib. Way fiican tahay in aad marka hore xaqiijiso in aad leedahay hab fiican oo naas-nuujin ah taas oo fududaynaysa xanuunka iyo nabarada markuu ilmuhu naaska nugayo

Waa mujuruc caag ka samaysan oo lagu dhejinayo ibta naasaha. Marka aad ilmaha naaska-nuujinayso wuxuu markaa ilmuhu nuugayaa mujuruca caaga ah halkii uu ibta naasaha ka nuugi lahaa. Waa muhiim inuu ilmuhu mujuruca oo dhan afka geliyo ee aanu inta kore oo keliya nuugin si ay qulqulka caanuhu waxtar badan u yeeshaan.

Mujuruca naas-nuujinta ee laga dhex arkikaro si fiican ayuu ugu fadhiyaa modelka naaska. Foto: Oscar Segerström

Talooyin ku saabsan nuugida mujuruca

  • Nuugida mujurucu waa aalad wax caawinaysa oo ku meelgaar ah, gaar ahaan wakhtiga bilowga hore ee naas-nuujinta
  • Markay naas-nuujintu sii fiicnaato wuu la qabsanaya. Ma haboona in la isticmaalo inta ka horeysa inta aanu ilmuhu muujin calaamadaha nuugitaan mana fiicna in la isticnaalo saacadaha ugu horeeya ee nolosha ilmaha. Waa muhiin inuu ilmuhu si fiican afka u geliyo mujuruca si uu ilmuhu caanaha u jaqo naasahana caanaha ayaa ka dhammaanaya
  • Waa faa'iido in la isticmaalo qaybta weyn si uu ilmuhu afka aad ugu kala qaado. Way fiican tahay in aad dareento inuu mujurucu fiican yahay oo aanu ku xanuunjinayn ama aanu ibta naasaha kaa xoqyn.
  • Waa muhiim inuu ilmuhu leef-leefo och uu carrabka marmariyo inta aanu mujuruca afka gelin. Markuu ilmuhu waxbadan leef-leefo ama carrabka marmariyo, waxbadan ayuu afka sii kala furayaa carrabkuna wuxuu imanayaa xagga hoose ee afka markaa kadibna si fiican ayuu ilmuhu afka u gelinayaa mujuruca. Haddii kale way u fududahay inuu ilmuhu afka geliyo oo keliya kadibna uu nuugo qaybta afka hore ee mujuruca markaa xanuun ayey keenaysaa waxaanay sidoo kale joojinaysaa qulqulkii caanaha
  • Tan ugu muhiimsan ee looga dan leeyahay waa inay nuugida mujurucu xaalada sii hagaajiso
  • Waa in aanay saamayn ku samayn naasaha ibtooda, laga yaabo inuu waxyar soo baxeen marka mujuruca naaska laga saaro
  • Si dheeraada ugu taxaddar nadaafada gacmaha iyo nadaafada mujuruca naas-nuujinta, gaar ahaan nabarrada, dildilaacyada iyo/ama nabbarada ibta naasaha si aad uga fogaato jeermiska taas oo keenikarta dhibaato naasaha kaaga yimaada
Farta ayaa lagu cadaadinayaa godka marka mujuruca naas-nuujinta la dhigayo ibta naaska. Foto: Oscar Segerström

Sidan ayaad u gelinaysaa mujuruca nuugida naasaha

  • Dhaqo gacmaha. Biyo ku qoo mujuruca naas-nuujinta. Geesaska qabo
  • Iskugu laab dhinaca gudaha iyo dhinaca dibeda mujuruca naas nuujinta. Ka fikir dhinaca aad u jaraysaa waa inuu xiga dhinaca sanka
  • Geli mujuruca naas-nuujinta ibta naasaha. Waa inay jirto meel maran oo hawo leh si uu mujuruca naas-nuujintu si fiican ugu fariisto. Talo! Farta ku qabo meeha godka marka aad mujuruca gelinayso, si ay meel hawo lehi u samaysanto oo ay ibta naasuhu gudaha xagga sare ee mujuruca naas-nuujinta u galaan (eeg sawirka hoose)
  • Marka aad ilmaha dhigto xabadka/laabta, u daa inuu ilmuhu carrabka la raac-raaco oo uu leef-leefo mujuruca si uu ilmuhu afka aad u kala qaado oo uu naaska si weyn u qabado. Ka ilaali in aad ilmaha afkiisa u cadaadiso mujuruca.
Ku nadiifinta mujuruca naas-nuujinta biyaha qabow. Foto: Oscar Segerström

Daryeelka mujuruca nuujinta

  • Markasta oo aad naaska nuujiso: ku dhaq mujuruca nuujinta biyo qabow oo soconaya
  • Kadibna mujuruca naas-nuujinta ku dhaq biyo kulu iyo saabuuta weelka lagu dhaqo, si fiican ayaad u biyo raacinaysaa
  • Kadibna biyo qabow ayaad markale dib ugu dhaqaysaa
  • Dhig mujuruca naas-nujinta meel qalalan oo nadiifa
  • Afar iyo labaatankii saacadoodba halmar ayey ku haboon tahay in mujuruca naas-nuujinta in jeermiska laga nadiifiyo oo biyo kulul 5 daqiiqo lagu kariyo. Maadaama aanaan annagu isbitaalka haynin fursad aanu ku karino mujuruca waxaanu kugula talinaynaa in afar iyo labaantii saacadoodba aad halmar mujuruca ku rido bakeeri ay biyo kululi ku jiraan ilaa dhowr daqiiqo.