Qaybta carruurta dhisyada iyo jirooyinka ku dhalata

Carruurta dhallaanka ah ee ku dhalata jirrada iyo dhicisnimada ee qaybta isbitaalka jaamacada Karolinska waxa laga helayaa Danderyds Sjukhus, Karolinska Universitetssjukhuset i Huddinge och Solna. Qaybahani waxay kala leeyihiin xirfado yar yar oo mid walba u gaar ah waxana laga yaabaa in ilmihiina loo baahdo in meel kale la geeyo iyada oo ay ku xiran tahay xaaladda caafimaad ee ilmaha ama baahida daryeel ee uu ilmuhu qabo.

Qaybaha dhammaantood waxay dadka mas'uulka ilmaha ka ahi haystaan fursad ay ilmahooda la joogikaraan, qol u dhow qoflka ilmuhu joogo ama qolka uu ilmuhu jooga laftiisa. Wakhtiga daryeelka ilmuhu wuxuu noqonkaraa dhowr saacadood ama dhowr bilood. Carruuraha qaarkood qaybaha dambe ee daryeelka caafimaadka guriga ayaa lagu daaweynayaa iyada oo ay kaalmo siinayaan Daryeelka caafimaadka guriga (Hemsjukvård) kuwaa soo ku xiran qaybaha dhammaantood.

Qaybaha carruurta dhicisyada iyo jirooyinka ku dhalata

 

Kooxda ku xeeran ilmahaaga ee daryeelaysa

Qaybta carruurta ee dhicisyada iyo jirrada ku dhalato ee Isbitaalka jaamacadda Karolinska, waxay kooxda ilmahaaga daryeelaysaa ka kooban yihiin dad badan oo xirfad u leh iyo idinka oo ah waalidiinta ilmaha oo la socda markaa waxaa si wadajira ah u qiimaynaysaan xaaladda caafimaad ee uu ilmuhu ku sugan yahay marka kadib waxa ilmahaaga la siinayaa daryeel ku salaysan baahida shakhsiyeed ee uu ilmagaagu u baahan yahay.

Takhtar

Takhaatiirtayadu waxay sameeyaan qiimayn dhinaca caafimaadka kdaibna waxay waafajiyaan wixii loo baahnaa. Waxay go'aan ka gaaraan daawooyinka uu ilmuhu qaadanayo waxay kaloo sameeyaan baaritaanu badan iyo daaweyn

Kalkaaliyaasha caafimaadka iyo ummulisooyinka

Kalkaaliyaasha caafimaadku shaqooyin kala duwan oo badan ayey qaybahayaga ka qabtaan. Wax yaabaha ay qabtaan waxa mid ah inay qorsheeyaan sidii ilmaha loo daryeeli lahaa iyagoo ka ambaqaadaya xaaladda caafimaad ee uu markaa ilmuhu ku jiro. Waxay kaloo isku dubbaridaan baaritaanada iyo daaweynta qaybaha kale ee isbitaalka. Intaa waxa sii dheer iyaga oo ilmaha daawooyinka ku siiya faleebooyin adiga oo waalid ahna waxay kaa caawinayaan sidii aad ilmahaaga hadda kuu dhashay aad u daryeeli lahayd.

Kalkaaliyaasha caafimaadka carruurta iyo kalkaaliye caawiyaasha

Kalkaaliye caawiyeyaashu iyaguna waa koox kale oo muhiim ah kuwaas oo iyaguna ilmahaaga ku xeeran. Waxay qabtaan waxa ka mid ah inay la socdaan xaaladda caafimaad ee ilmaha iyaga ilmaha cabbiraya, miisaamaya waxaanay xisaabiyaan qaybaha muhiimka ah tusaale ahaan garaaca wadnaha cadaadiska dhiiga. Kalkaaliye caawiyeyaashu waxay kaloo xitaa waalidiinta siiyaan inay ka caawiyaan naas nuujinta, cuntu siinta iyo xannaanaynta, waxayna mas'uul ka yihiin inay aad u hubiyaan waxkasta oo ilmaha u dhowi in aanay lahayn wax baktteeriya ah.

Talo bixiyaha cuntada (Dietister)

Talo bixiyaha cuntada (Dietisten) ayaa xisaabiya nafaqooyinka uu ilmuhu u baahan yahay iyagoo laga duulayo da'da, miisaanka iyo haddii ay jiraan dhibaatooyin. Xisaabaadkani waxay aasaas u yihiin kobcinta nafaqada ilmahu u baahan yahay. Kobcinta nafaqada macnaheedu waxa weeye inuu ilmuhu si fiican u koro xubnaha jirkuna ay horumar u sameeyaan sidii loogu talagalay.

Kaaliyaha talo bixiyaha cuntada (Nutritionsassistenter)

Carruuraha qaarkood waxay u baahan yihiin inay wax kale oo dheeraad ah ku daraan caanaha naaska si ay si fiican ugu koraan. Carruurta qaarkood waxa caanaha naaska oo tabaruc ah looga keenaa xarunta caanaha hooyooyinka carruurta yara waaweynina waxa marmarka qaarkood la siiyaa caano ay wershedi soo samaysan kuwaas oo u beddelaya caanihii naasaha ay ka jeqi jireen. Waxa jira qof kalkaaliye oo dhinaca cuntada/nafaqaynta ah oo isku dubbarida maaraynta caanaha, waxaanu falanqeeyaa nafada ku jirta caanaha si uu ilmuhu u kobco iyada oo ku salaysan xisaabintii talo bixiyaha cuntadu uu soo sameeyey si markaa ay dhammaan carruurtu u helaan nafaqada ay u baahan yihiin. Kaaliyaha talo bixiyaha cuntadu wuxuu kaloo xitaa ka shaqeeyaa inuu maareeyo caanaha naasaha laga liso ee ay hooyooyinka kale ee qaybta ku jiraa ay ku deeqaan.

La taliyaha arrimaha bulshada (Kuratorer)

Dhammaan waaxyada oo dhan waxa jooga la taliyaha arrimaha bulshada waxaanu adiga waalidka ah kaa caawinayaa sidii aad u maarayn lahayd isbeddelada degdega ah ee marmarka qaarkood dhicikara marka uu ilmo kuugu dhasho isbitaalka. La taliyeyaashu waxay adiga kaa caawinkaraan inay wadahadal kula yeeshaan markay xaalad adagi kula soo gudboonaato iyo inay kaa caawiyaan dareenka caadifada leh. Waxay kaloo waalidiinta ka caawinkaraan inay si sax ah ugu hagaan xeerarka ku saabsan lacagaha laga dalbanayo khasnadda caymiska dawlada (försäkringskassan) iyo waalidiinta gacan ka siiyaan la xiriirka hey'addaha iyo su'aalaha caqli galka ah ee u baahan in wax laga qabto.

Qofka farmashiiyaha iibiya (Apotekare)

Dadka farmashiiyaha ka shaqeeyaa waxay soo diyaariyaan daawooyinka uu ilmuhu ku qaadanayo faleebada (via dropp). Waxay sidoo kale ka jawaabaan su'aalaha ku saabsan daawooyinka iyo iyaga oo abaabulaya maaraynta daawooyinka qaybta isbitaalka.

Xoghaynta caaafimaadka (Medicinska sekreterare)

Xoghayntayada caafimaadku waxyaabaha ay ka shaqeeyaan waxa ka mid ah inay hubiyaan tayada diiwaanada dadka bukaanka ah, gelinta arkiifiyada iyo diiwaangelintooda si isbitaalku u helo lacagtii daryeelka ee ay fuliyeen. Waxay sidoo kale u diraan diiwaanka (faylka) carruuraha qaybta BVC-da, la taliyeyaasha kale ee dhinaca caafimaadka iyo shirkadaha caymisyada ee u baahan warbixinaha ku saabsan wakhtigii uu ilmuhu ku jiray isbitaalka. Inta aan la dirin diiwaanka (faylka) ilmaha waxa marwalba la horeysiiyaa in waalidiinta oggolaansho la waydiiyo.

Xoghayayaasha qaybta iyo adeega daryeelka dhow (vårdnära service)

Xoghayayaasha qaybtu waxay marwalba xaqiijinayaa inay nadaafada qaybtu ay tahay mid aad u saraysa iyo in sidoo kale dhammaan agabka loo adeegsanayo daryeelka caafimaada uu yahay mid meel dhow oo fudud laga gaarikaro. Waxay sidoo kale quraacda ku siiyaan jikada aanu waalidiinta ugu talagalay.

Cilmi nafsiga (Psykolog)

Cilmi nafsi yaqaankayagu wuxuu caawimo wadahadal ah siiyaa waalidiinta iyo shaqaalaha waxaanu ku shaqeeyaa aragti qoto dheer oo ku wajahan caafimaadka dhinaca maskaxda ee qoysaskayaga.

Tababarka jimicsiga jiradda (Sjukgymnast)

Dadka ka shaqeeya tabatabarada jimicsiyada jirka ee qaybaha aanu ku qaabilno carruuraha ku dhasha dhicisnimada iyo jirooyinka waxay ka shaqeeyaan sidii ay ilmahaaga ula socon lahaayeen horumarka uu ka samaynayo dhinaca dhaqdhaqaaqa jirka.

Dadka lala xiriirayo

Marka aanu annagu ilmihiina daryeelanayo waxa idinka laydiin samaynayaa dad aa la xiriirtaan waana dadka ka mas'uulka ah dhinaca qorshaynta sida kalkaaliye caafimaada iyo- kaaliye caawiyaha carruurta.

Taageero

La taliyeyaashada dhinaca arrimaha bulshadu waxay ka shaqeeyaan sidii ay u maaraynta hawlaha la xiriira cilmi nafsiga ee dhinaca bulshada ka yimaada. Taageerooyin iyo wadahadalo ku saabsan markay xaaladu adkaato inta aad joogtaan isbitaalka waa wax yaabaha ugu waa weyn ee ay xirfadoodu la taliyeyaasha arrimaha bulshadu. Waxay ku saabsanaan kartaa wadahadalo uu hadafkoodu yahay

  • Uurka iyo dhalmada
  • Fikradaha iyo dareemada ka imankara intuu ilmuhu ku jiro qaybta isbitaalka
  • Taageero ku saabsan waalidnimada
  • Sida loo maareeyo welwelka istereeska
  • Dhibaatooyinka la taabarkaro ee uu isbitaalku sabab u noqonkaro
  • Welwel ku saabsan sida ay carruurta ay ilmaha walaalaha yihiin iyo qoyska intiisa keleba xaaladda ula qabsan lahaayeen

La taliyayaashada arrimaha bulshadu waxay xitaa kaa caawinkaraan macluumaadka bulshada, macluumaadka ku saabsan caymiska waalidiinta iyo marka uu ilmuhu jirado ee uu waalidku guriga joogo (VAB) iyo sidoo kale inay kaa hagaan la xiriirka hey'addaha kale. Haddii ay jirto sabab keenaysa in aanad ku qanacsanayn daryeelka caafimaadka waxa markaa kaa caawinaya la taliyeyaasha arrimaha bulshada si aad ula xiriirto Guddida bukaanka ama IVO waa kuwa baara xannaanaynta dadka jiran iyo daryeelka. La taliyeyaasha arrimaha bulshada waxa laga helikaraa qaybaha daryeelada caafimaadka, daryeelka xannuunka guriga (hemsjukvården) iyo meelaha lagu qaabilo carruurta ku dhalata dhicisnimada iyo jirooyinka (neonatalmottagningarna)

Kiniisada isbitaalka (Sjukhuskyrkan) ayaa iyaguna dad badan waxay u noqonkaraa caawimo fiican markastana waxay joogaan isbitaalka.

In ilmaha istibaalo kale lagu wareejiyo

Ma aha wax aan caadi ahayn in bukaanadeena yaryar loo beddelo isbitaallada kale wakhtiga la daaweynayo. Gaaddiidka u dhexeeya isbitaallada badanaa waxa u dhacaan oo ugu muhiimsan saddex sababood:

  • In aan baahiyihii uu ilmuhu qabay loogu qabankarin qaybtaa ilmaha lagu daryeelayo
  • Ilmaha waxa hadda lagu xannaaneeyaa qayb gaar ah laakiin baahidaa waxa hadda lagu daryeelikaraa isbitaal ku yaala guriga agtiisa.
  • Booska xaaladda uu ilmahu qaybta ku sugan yahay waxay keeni kartaa in daryeelka ilmaha meel kale loo wareejiyo. Magaalada Stockholm waxa jira koox gaadiid wata oo gaar u ah carruurta dhiciska iyo jirooyinka ku dhasha afar iyo labaatankii saacadoodba. Kooxdaasi waxay ka mas'uul yihiin gaadiidka daryeelka degdega ah (akuta intensivvårdstransporter). Haddii xaaladda ilmuhu ay tahay mid deggan markaa waxa qaadaya kooxda lookalka ah kuwaas oo jooga dhammaan qaybaha carruurta ku dhalata dhicisnimada iyo jirooyinka ee Stockholm (neonatala enheter)

Ilmaha waxa loo qaadikaraa siyaabo kala duwan iyadoo ay ku xiran tahay xaaladdiisa. Isbitaalada gobolka Stockholm qalabka gaadiidku ku xiran waa isku mid dhammaantii:

  • Waxa ilmaha lagu qaadaa gaadiid ay ku rakiban yihiin qalab dhalo ka samaysan oo ilmaha dhiciska ah lagu koriyo iyada oo waxkasta laga bilaabayo fursada ah sidii ilmaha noocyada kala duwan loogu daryeeli lahaa sida baaritaanka neefsashada si uu ilmuhu u awoodo in la siiyo noocyada kala duwan ee faleebooyinka ah.
  • Kangoofix – waa suurtogal in intaad adigu sariirta ambalaasta ku fariisato ilmahana aad dhabta ku qabato kadibna adiga iyo ilmahaba lagu xiro suun.
  • Kursiga carruurta – gaadiidka xasiloon/deggan, carruurta yara waaweyn ee aan u baahnayn in neefsashada laga caawiyo.

Waxaanu annagu inta badan isku daynaa in aanaan kala kaxayn carruurta iyo waalidkood. Haddii ay dhacdo in adiga oo waalidkii ah ay suurto gal noqon weydo in aad raacdo marka ilmaha la qaadayo khibrad ahaan waxaanu oggnahay inay fiican tahay in aad ka qayb gasho marka ilmaha lagu wareejinayo gaadiidka ilmaha qaadaya ee uu saaran yahay qalabka dhalada ka samaysan ee ilmaha dhiciska ah lagu koriyo (transportkuvösen) sidoo kale waxaanu jeclaan lahayn in aad "maro yar" oo aad adigu ka urayso aad dhigto meel u dhow madaxa ilmaha.

Haddii ay dhacdo in aanad adigu waalid ahaan la socon inta uu gaadiidka sii socdo waxay markaa kooxda gaadiidka wadaa ka qaadanayaa macluumaadkaaga si ay kuu soo wargeliyaan marka ilmaha geeyo isbitaalka.