Mishiinka neefasashada (Respirator)

Marmarka qaatkood neefta ayaa saamayn ku yeelata ama carruurta dhicisnimada ku dhashaa waxay u baahan yihiin in neefta laga caawiyo iyadoo la isticmaalayo mishiin (respirator/ventil) muddo gaaban ama wakhti dheer.

Ilmaha waxa sanka labadiisa dalool mid ka mid ah ama afka laga geliyaa tuumbo caag ka samaysan oo jilicsan, tuumbada markaa waxa lagu xirayaa mishiin kaas ayaa markaa ilmaha ka caawinaya neefta. Takhtarka ayaa mishiinka geynaya meesha loo baahan yahay iyada oo ay ku xiran tahay inta caawimo ee uu ilmuhu u baahan yahay. Waxay noqonkartaa siyaabo badan oo neefta loo qaadanayo, mid hoose ama cadaadis sare iyo ogsijiino badan oo kala duwan.

Inta caawimo ee uu ilmuhu u baahan yahay waxa lagala soconayaa iyada oo ilmaha la eegayo, inta ogsijiin ee uu qaadanayo iyo inta kaaraboon ee uu bannaanka isaga saarayo (koldioxid). Qalabaka lagu ilaalinayo waxa laga akhrisankaraa heerka ogsijiin uu ilmuhu qaadanayo iyo heerka neefta uu bannaanka isaga saarayo inta ay leeg tahay. Haddii loo baahdo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan in la cabiro ogsijiinta iyo kaaraboonka dhiiga ku jira tijaabo ayaa dhiiga laga qaadayaa la yiraahdo "gaaska dhiiga" "blodgas".