Sariir kulul (Värmebädd)

Sariirta kululi waa joodari biyo ku jiraan oo kulaylka haya. Kulaylka waxa lagu saleeyey si uu ilmuhu u haysankaro heerkulka jirka oo u dhexeeya 36.5-37.5ºC isagoon wax tamar ah oo dheeraad ah lumin.

Ilmaha waxa loo gelinayaa xafaayada iyo funaanad yar. Si uu taageero fiican u helo waxa joodariga biyaha korkiisa la dhigayaa gogosha sariirta mid ka mid ah (en bäddtoffel). Waxa sidoo kale ilmaha la huwiyaa buste si kulaylka ka soo baxa joodariga biyaha ay ku ekaadaan hareeraha ilmaha. Haddii ay ilmaha ku adag tahay inuu kulaylka ceshado waxa markaa la isticmaalayaa buste gaar ah – Flectalontäcke, kaas ayaa kuleylka ilmaha dib ugu celinaya.