Tallaalka

Tallaalku waa hab loogu talagalay in lagaga hortago cudurada kuwaas oo keenikara dhimasho ama ku keenkara nolosha dhibaatooyin dheer.

Barnaamijka tallaalada guud ee carruurta la siiyo waxa loogu talagalay inay toban cudur kahortagaan. Marka laga yimaado baarnaamijka tallaalada guud waxa kale oo iyaguna jira tallaalo lagu taliyey in la siiyo kooxaha khatarta ku jira.

Tallaalada la siinayo iyo goorta la siinayo waxa si wadajira u go'aaminay dhaktarka ilmaha. Cida caadiga ah tallaalka koowaad waxa la siiyaa markuu ilmuhu sadex bilood jiro.