Baaritaanka Ultraljudka (Ultraljudsundersökning)

Baaritaanka ultraljudka waxa lagu sameeyaa iyada oo la kaashanaya sinaal bixiye elektarooniga (ultraljudsgivaren kaas oo jirka u diraya hirar codad ah kadibna xubnihii jirk ayaa ka soo ficil-celinaya oo dib ugu soo celinaya sinaal biiyihii elektarooniga (ultraljudsgivaren). Si uu maqaarka si fiican u qabsado waxa la isticmaalaa shay/walax jirka ilmaha ku dhejinaysa. Codadka soo noqday waxa loo beddelayaa sawir dhaqdhaqaaqaya iyada oo la isticmaalayo kumbiyuutar wixii intaa ka dambeeya waxa turjumaya dhakhtarka. Iyada oo la kaashanayo aaladda ultraljudka waxa tusaale ahaan la arkikaraa habdhismeedka wadnaha iyo sida uu dhiiga u tuurayo.