Pleuradränage

Pleuradränage waa hab daaweyneed oo la isticmaalo marka meel yar laga dalooliyo kiishka sambabka si uu sambabku gebi ahaan iskudumo ama qayb ahaan iskudumo. Xaaladdan waxa kale oo xitaa la yiraahdaa (pneumothorax).

Iyada oo la kaashanayo tuumbo khafiifa oo ku jirta saableyda xabadka/laabta ayaa laga nuugayaa neefta ka baxaysa sambabka si uu kiishka sambabbku u helo fursad u bogsado oo uu isugu dhego. Caadiyan hawadaa baxaysaa waxay joogsanaysaa 3 – 5 maalmood kadib, inta daaweynta lagu jiro waxa la kaantaroolayaa inta dareere ama hawo ee ka baxaysa daloolka. Marka qulqulku joogsado waxa la tijaabinaynaa in la xiro nuugista 4 saacadood kadib waxa la eegayaa haddii ay wax markale dib ugu soo buuxsameen kiishkii sambabbka. Haddii aanay raajada sambabbadu tusin inay wax dareere/hawo ahi ka baxayn markaa waxa la saarayaa tuumbada.

Nuugistan joogtada ah waxa lagu samaynayaa mishiin Thopaz, waa mishiin wax nuuga oo aad u xakamaynkara cadaadiska saxda ah waxana kale oo xitaa laga helikaraa macluumaad ku saabsan inta tuumbada bannaanka uga baxaysa.

Akhri qoraal dheeraada