EKG

Sadex fiilo/waayir ayaa ilmaha xabadka/laabta lagaga dhejinayaa si ay u diiwaangeliyaan (EKG), marka uu wadnahu bilaabayo aktiiifiteetyada/shaqada sida korantada u shaqeeya ee ka dhacaya muruqyada wadnaha. Unugyada dhammaantood waxay leeyihiin awood ay ugu shaqeeyaan sida korantada oo kale oo sidaas ayey muruqyadu u kooban yihiin si joogto ah. Xaaladaha dhaqdhaqaaqa korantada wadnaha waxa lagu maamulaa nidaamka unugyada murqyada wadnaha waa nidaam gaara, waxa la yiraahdaa (retledningssystemet). Nidaamkan korantada ahi wuxuu hubiyaa in qaybaha kala duwan ee wadnuhu ay u shaqaynayaa sidii saxda ahayd ee loogu talagalay.