Baaritaanka indhaha

Baaritaanka indhaha waxa lagu sameeyaa carruurta dhalata usbuuca 31 wixii ka horeeya marka ay jiraan 4 – 5 usbuuc. Saacad kahor baaritaanka ayey kalkaalisada caafimaadku indhaha daawo ugu dhibcisaa taas oo kala fidinaysa bu'da isnhaha si ay u fududayso in loo arkikaro gunta indhah oo dhan. Baarintaaka kahor dhakhtarku indhaha daawo kabuubyaysa ayuu ku shubaya si aanu ilmuhu u dareemin baaritaanka.

Marka baaritaanku dhammado kadib waxa fiican in ilmaha indhaha lagaga xiro wax iftiinka ka ilaaliya maxaa yeelay bu'da indhuhu way kala fidsan yihiin iskumana soo ururikaraan. Takhtarka indhuhu markale ayuu baaritaan samaynayaa isagoo u dhaxaysiinaya hal usbuuc ama laba usbuuc ilaa iyo inta ay xuubka indhuhu ka yeelanayaa xiddidada dhiiga.