Daaweynta NO

Daaweynta NO macnaheedu waa naytarorjin ogsaydh (kväveoxid) ayaa lagu xirayaa mishiinka (respirator/CPAP) kadibna ilmaha iyada oo la isticmaalayo tuumbo yar. Naytarorjin ogsaydhku (kväveoxid) waa gaas ama maado sida hawada oo kale ah taas oo lagu darayo hawada uu ilmuhu qaadanayo waxana siinaya mishiin (respirator/CPAP). Naytarorjin ogsaydh (kväveoxid) waxay u shaqaysaa sida waxda calaamada oo kale waxayna muruqa ku wareegsan xiddidka sambabbka ka dhigaysaa sibiibix si uu u dabco kadibna xiddidkii ayaa fidaya. Wuxuu xiddidkii xataa noqonayaa mid aan ciriiri ahayn waanay fududaanaysaa marka gaasta la beddelayo markaa si fudud ayey ogsijiintii u soo geleysaa kaarboon laba ogsaydhkiina uga baxayaa. Mishiinka INOmax – ayaa la isticmaalayaa isaga ayaa si taxaddar leh u qiyaasaya inta gaas ee la siinayo – waxaana lagu salaynayaa ogsijiinta ilmaha.