Baaritaanka kamarada magnadka (MR)

Baaritaanka kamarada magnadku waa hab lagu soo saaro muuqaalo qaybo ka mid ah xubanaha kala duwan ee jirka iyada oo la adeegsanayo magnad iyo mowjadaha raadyowga, iyadoo aanay jirka gaarin wax shucaac ahi. Kamarada MR-ku waxay leedahay god/tunnel la gelinayo sariir taas oo lagu riixayo godka/tunnelka sariirta inta uu baaritaanku socdo ee sawirada isdaba jooga ah la qaadayo. Intuu baaritaanku soconayo waxa la maqlayaa sanqar xoog badan sidaa daraadeed waxa ilmaha loo gelinayaa qalabka difaaca maqalka waxaanay qaadanaysaa 30 – 60 daqiiqo qiyaastii. Sidaa awgeed waa muhiim in aanu ilmuhu dhaqdhaqaaqin inta baaritaanku soconayo ilmaha waxa la siinayaa daawo dejinaysa. Qof shaqaale ayaa marwalba la jooga ilmaha inta baaritaanku soconayo.