Cuntada faleebada – cunto siinta joogtada ah

Cuntada faleebada ama cuntada sida joogtada ah loo siinayo macnaheedu waa ilmaha waxa la siinayaa cunto go'an afar iyo labaatankii saacadooba. Cuntada waxa lagu siinayaa mishiinka faleebooyin leh inta la siinayo mishiinka ayaa la gelinayaa saacadiiba. Faleebada cuntada iyo tuumbada waxa lagu calaamadinayaa midka guduudka iyo calanka isugu jira (lila) si loo muujiyo inay cunto yihiin, tuumbada waxa markaa kadib lagu xirayaa tuumbada ilmaha sanka laga xiran kadibna cuntadu caloosha ayey u dhaadhacaysaa.