Daloolka lafdhabarta (Lumbalpunktion)

LP – Lumbalpunktion, waxa loo sameeyey si looga qaado tijaabo dheecaanka ku wareega maskaxda iyo xangulaha lafdhabarta. Ilmaha waxa loo seexinayaa dhinac waxaana la kala saarayaa ricidhada lafdhbarta. Dhakhtarka ayaa dareemaya oo taabanaya lafaha dhexdooda kadibna wuxuu ku durayaa cirbada aad u dhuuban qaybta hoose ee dhabarka wixii intaa ka dambeeya dhibco dheecaana ayaa si tartiiba ugu dhibcaya dhaladii tijaabada lagu qaadayey. Caadi ahaan ma aha xanuun laakiin wuxuu ilmuhu u arkikaraa sida uu u jiifo iyo haynta la hayo awgeed in aanay fiicnayn. Waxa fiican inuu ilmuhu nuugo mujuruc ama fartiisa inta ay hawshu socoto si uu istereesku uga yaraado. Dheecaankii dhabarka laga qaaday dib ayuu u samaysmayaa hal saac kadib.