Ku daaweynta qabowga (CritiCool)

Ku daaweynta qabowga macnaheedu waa in heerkulka jirka ayaa hoos loo dhigayaa caadi ahaa laga bilaabo 37°C ilaa qiyaastii 33,5°C. Ku daaweynta qabowga waxa lagu fuliyaa iyadoo la kaashanayo mishiin (CritiCool) dhar gaar ah inta loo geliyo ayaa ilmaha jirkiisa lagu xiraa biyo diiran oo wareegaya. Heerkulka biyaha waa la xakamaynayaa iyada oo laga duulayo heerkulka jirka ilmaha iyo iyadoo ilmaha si taxaddar leh loo ilaalinayo inta ay daaweyntu soconayso iyadoo la adeegsanayo fiilada heerkulka cabbirta oo ilmaha dabada laga geliyey.

Marka uu heerkulka jirku hoos u dhaco waxa hoos u dhacda dheef-shiidka kadib waxa yaraada ka ficil-celinta bararka iyo sidoo kale wax soo saarka

Ku daaweynta qabowgu wuxuu socdaa 72 saacadood (3 maalmood) wixii intaa ka dambeeya waxa si tartiib ah kor ugu kaca heerkulka jirka ilmaha ilaa uu caadi noqdo.