Sariir dhalo ah oo carruurta dhiciska ah lagu koriyo (Kuvös)

Marka ilmaha lagu xanaanaynayo sariirta dhalada ka samaysan waa la xakamaynkaraa inta kuleyl ama qoyaan ee uu ilmuhu u baahan yahay si uu heerkulka jirka ilmuhu u noqdo mid xasilloon. Carruurta dhicisku waxay lumiyaan biyo badan kuwaas oo ka baxaya maqaarka jirkooda uumi-baxa ayaa sababa inay kulaylka lumiyaan. Marka ilmaha lagu daryeelayo sariirta dhalada ka samaysan oo leh qoyaan badan waxay ka hortegeysaa inuu ilmuhu lumiyo biyihii ka baxayey markaa waxay leeyihiin xaalado ka wanaagsan si ay u haystaan heerkulkii jirka ee caadiga ahaa. Sariirtu waxay kaloo shaqaalaha u fududaynaysaa inay ilmaha ilaalinkaraan.