Intubation

Iyadoo la adeegsanayo laryngoskop ayuu takhtarku geliyaa tuumbo lagu neefsado dhuunta hawda isagoo ka gelinaya mid ka mid ah daloolada sanka ama afka. Waxay tuumadu sii maraysaa muruqa codka sameeya sidaa daraadeed lama maqlayo haddii uu ilmuhu qayliyo. Tuumbada waxa lagu xiraa dhabanka ilmaha iyadoo la isticmaalayo koolo/xabbag kadibna waxa lagu sii xiraa mishiin ka caawinaya ilmaha inuu neefsado.