Nadiifinta dhiiga (Dialys)

Nadiifinta dhiiga waxa loo baahaankaraa haddii uu ilmahaagu leeyahay kelyo xanuun xun. Nadiifinta dhiigu waa jid aan dabiici ahayn, in dhiiga la nadiifiyo oo laga saaro wasakhda iyo in laga reebo dheecaanka dheeraadka ah. Waxa kale oo intaa dheer waxa lagu hagaajinayaa elektrolyter, gaar ahaan kalium och natrium.

Peritonealdialys (PD) waxa kale oo loo yaqaanaa nadiiftinta dhiiga caloosha, dhiiga jirka ayaa lagu nadiifiyaa iyadoo dareere la sii marasiinayo daloolka caloosha kadibna waxa la siimariyaa xuubka cahoosha (semipermeabla membranet). Wasakhda iyo biyaha waxa la soo mariyaa xiddidka dhiiga ee ee ku jira xuubka caloosha kadibna din ayuu ugu noqonaya dareerihii nadiifinayey dhiiga. Dareeraha nadiifiyaha dhiigu wuxuu ka kooban biyo nadiif ah iyo biyo cusbo leh (kalium saltlösning). Waa shay ilaalinaya si uu jirku u haysto qaraarkii caadiga ahaa. Nadiifiyaha dhiigu waxa kale oo ku jira maado tegeyso osmos, biyaha ayaa dhiiga laga soo saarayaa waxaanay tegeyaan dareeraha ku jira daloolka caloosha. Si dareeraha dhiiga nadiifinaya laagu shubo ama looga soo saaro daloolka caloosha waxa loo baahan yahay in la qalo oo la geliyo tuumbo.

Nadiifinta dhiiga waxa lagu bilaabaa iyadoo lagu xirayo nidaam xiriirsan tuumbo jilicsan kadibna qaddar cayiman oo dareere ah ayaa lagu shubaa godka caloosha. Intaas kadib godka caloosha waxa la faaruqiyaa dareerihii kujiray, wuxuu ka kooban yahay wasakhdii soo hartay iyo biyo laga soo qaaday xiddidada dhiiga ee xuubka caloosha iyo dareerihii hore ee la beddelay. Markasta oo la faaruqinayo waxa haboon inay sababto in dareere badan laga qubo marka loo eego dareerihii markii hore lagu beddelay. Sidaa ayaa jirka biyaha dheeradka ah looga saarikaraa.