CPAP

CPAP (Continuous Positive Airway Pressure) waa daaweyn fiican oo si joogto ah looga siinayo marinada hawada inta uu soconayso wareega neefsashadu. Iyada oo hawo lagu furayo marinada hawada ama mugga oo kordha waxa furmaya qaybihii sambabbada ee xirnaa cadaadiskii joogtada ahaana wuxuu ka hortegayaa in sambabbadu dhacaan.

Ilmaha waxa loo xirayaa koofiyada si uu u qabto CPAP-aggregatet. Dhinaca sanka u dhow waxa ku xiran sillikon leh waddo yar oo leh laba musbaar kuwaas oo ku jira daloolada sanka ilmaha, haddii kale mask jilcsan oo sillikon ah ayaa la isticmaalayaa.