Tuumbadda halbowlaha xuddunta (NAK)

Tuumbadda halbowlaha xudduntu waa tuumbo khafiifa oo la gelinayo halbowlayaasha xuddunta, halkaas ayaa laga qaadayaa wixii tijaabooyina, cabbirka cadaadiska dhiiga oo laga siinayaa wixii nafaqooyinka soconaya. Xitaa garaaca wadnaha ilmaha halkaa ayaa laga diiwaangelinayaa. Ilmuhu dareen kuma laha xuddunta sidaa daraadeed xanuun kama dareemayo inay tuumbo kaga jirto.